opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

QM ” 50,000 kun oo ruux ayaa ka Barakacay guryahooda ka dib dagaaladii ka dhacay Gaalkacyo”+ Cod

315355_orig
FacebookTwitterGoogle+Share

Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan isku xirka Bani’aadanimada OCHA ayaa ku waramay in ku dhawaad 50,000 kun  oo ruux ay ka barakaceen Magaalada Gaalkacyo tan iyo markii todobaadkii ay hore ay bilowdeen dagaalada u dhaxeeya maamulada Puntland iyo Galmudug.

OCHA ayaa sidoo kale walaac weyn ka muujisay xaalada noleed ee ay kunool yihiin dadkii ka barakacay Gaalkacyo.

Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan isku xirka Bani’aadanimada ayaa sidoo kale maamulada Puntland iyo Galmudug ugu baaqay in ay dagaalka joojiyaan , islamarkaana ay ka qeyb qaataan sidii loo soo celin lahaa dadka ku dhibaateysan duleedyada Magaalada Gaalkacyo.

Dhibaato dhinaca nolosha ah, ay la soo deristay dadkii ku barakacay dagaalada toddobaadkii hore ka soo cusboonaaday Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Maamulka Puntland ayaa dhowaan ku dhawaaqay in ay la dagaalamayaan Dagaalyahanada Shabaab iyo Galmudug oo ay sheegeen in ay ku soo duuleen Deegaanadooda.

Halka Maamulka Galmudugna  ay sheegeen  in ay la dagaalamayaan Kooxda Daacish iyo ciidanka Puntland oo isku dhinac ah.

Dadkii ka barakacay Gaalkacyo ayaa ku sugan deegaano ku dhow Magaalada oo ay ka mid yihiin deegaanada Xaar iyo sidoo kale Saddex higlo , waxaana la sheegaya in halkaasi ay ku haystaan dhibaato dhanka nolasha ah , madaam deegaanada ay joogaan ay biyuhu cariiri ku yihiin.

 

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook