opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Saldhiga Booliiska Degmada Afgooye oo Burbur Xoog leh Kamuuqdo +Sawirro

FacebookTwitterGoogle+Share

Hal toddobaad, ayaa laga jooggaa weerarkii abaabulnaa ay Ururka Al Shabaab ku qaadeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoona saamaynta weerarkaasi laga dareemayo Saldhiga Degmada.

Weerarkan, ayaa waxaa uu ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu weeraray Saldhiga Booliska, oo burbur baaxad leh uu ka soo gaaray qaraxaasi.

Waxaa Saldhiga dhex yaala qayb ka mid ah gaarigii weerarka loo adeegsaday iyo gaari kale oo nooca dagaalka, oo Ciidamada Dowladdu leeyihiin, kaasoo uu burbur ka soo gaaray qaraxasi.

Koox Suxufiyiin ah oo Shalay la geeyay Degmada Afgooye, ayaa waxay muuqaalo ka soo qaadeen Saldhigan, oo burbur wayn uu ka muuqanayo.

Taliyaha Ciidamada Uganda ee Somaliya, Korneyl Ronald Bigirwa oo Suxufiyiinta kula hadlay Saldhigaasi, ayaa sheegay in Xoogaga Ururka Al Shabaab ay isaga carareen Degmada Afgooye, ka dib weerarkii 18-kii bishan.

Waxaa uu sheegay in weerarka lagu qaaday Saldhiga Booliska Afgooye uu ka dhashay qarax, kaasoo ka dhici kara buu yiri goob kasta oo dunida ah, isagoo intaa ku daray inay ku dhinteen askar iyo dad rayid ah.

Taliyaha, ayaa sheegay inay dib u soo laabatay deganaanshaha Degmada Afgooye, ka dib weerarka ay ka gaysteen mintidiinta Shabaabka, ee dagaalka ka wada Somaliya.

Weerarka lagu soo qaaday Saldhiga, ayaa waxaa xigay dagaal dhawr jiho ah oo Shabaabku ay ku soo galeen Degmadaasi Afgooye, iyagoona kula wareegay inta badan gacan ku haynta xaafadaha Afgooye, walow saacado ka dib ay dib uga baxeen.

afgooye1-1 afgooye-2 afgooye2-2 afgooye3 afgooye3-1 afgooye4-1 afgooye5-1 afgooye6-1 afgooye7-1 afgooye8-1 afgooye9-1 afgooye91-1 afgooye92

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook