opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Saraakiisha Taraafikada oo sheegay iney dhib weyn ku qabaan Wadooyinka Muqdisho +Cod

taraafiko1
FacebookTwitterGoogle+Share

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Wadooyinka ee Taraafiko Cali Maxamuud Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay qalad tahay in Cid walbo ay iska Xertaan Wadooyinka Muqdisho.

Waxa uu sheegay in Arrinta la Xiriirta Wado Xirista loogu dambeeyo Duqa Muqdisho isla markaana aan loo baahneyn in Cid walbo ay si shaqsi ah ay wadada isaga Xerato.

Taliyaha ayaa tilmaamay in ay dhib weyn ku qabaan Wadooyinka Xeran ee Muqdisho gaar ahaan kuwa lagu Xeray Biraha iyo dhagaxaanta oo uu qaarkood sheegay in ay u xeran yihiin Masuuliyiin ka tirsan Dowladda.

Qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho ayaa waxaa ku Xeran dhagaxaan iyo Biro waa weyn oo la sheegay in qaarkood ay u xeran yihiin Masuuliyiin Dowladeed iyo sidoo kale Safaaradaha Dowladaha Caalamka ay ku leeyihiin Muqdisho.

Dhawaan ayay ahayd Markii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho uu sheegay in aysan ogolaan doonin in ay sii Xernaadaan Wadooyinka Muqdisho.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook