opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Sawirro Sida ay u dhacday Dhaarinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle

dara_1
FacebookTwitterGoogle+Share

Waxaa caawa lagu dhaariyay Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hirshabelle oo galabta ay doorteen Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi.

Madaxweynaha Cusub maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble iyo kuxigeenkiisa Cali Cabdulaahi Guudlaawe ayaa lagu dhaariyay hoolka ay ka dhaceysay Doorashada Madaxtinimo ee maamulka Hirshabelle.

Cali Cabdulaahi Cosoble oo ka hadlay Munaasabada ayaa u mahad celiyay Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle kuwa codkooda siiyay iyo kuwa aan siinin, waxa uuna Madaxweynaha balan qaaday in uu la imaan doono Waxqabad muuqda.
Madaxweynaha Hirshabelle ayaa sidoo kale uga mahad celiyay dhismaha maamulkan Dowlada Federaalka Soomaaliya ,Urur goboleedka IGAD, Waxgaradka labada gobol iyo dhamaan intii gacanta ka geesatay Dhismaha maamulkan cusub.
Waxaa sidoo kale munaasabada dhaarinta kadib goobtaasi ka hadlay Madaxweyne kuxigeenka maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe, waxa uu isna u mahad celiyay dhamaan dadkii kasoo shaqeeyay dhismaha maamulka Hirshabelle, waxa uuna balan qaaday Guudlaawe in ay la imaan doonaan wax qabad muuqda.
Baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa maanta doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka maamulka Hirshabelle, waxaana lasoo gabo gabeeyay dhismaha maamulka Hirshabelle oo shirweyne lagu dhisayay mudo sagaal bilood ah ka socotay magaalada Jowhar.








1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16 17

18

19

20

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook