opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Shariif Xasan Oo Xubin Aqalka Sare udiiday Beesha Ogaadeen

shariif_xasan
FacebookTwitterGoogle+Share

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhulka la jaray siyaasiyiin caan ah oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen, arrimo ku saabsan aqalka sare ee dalka.

Shariif Xasan ayaa beeshaasi oo qeyb ka deggan gobolka Bakool u diiday in xubin uu ka siiyo aqalka sare, taasi oo keentay muran xooggan iyo sidoo kale dacwado.

Shariif ayaa sheegay in beesha Ogaadeen xaqii ay ku lahayd Bakool la siiyey, balse aqalka sare la siinayo oo kaliya beelaha ugu waaweyn Konfur Galbeed, iyaguna ay qaadan doonaan wixii baarlamaanka kaga soo aada.

Arrintaasi waxaa ka carrooday rag ay Shariif Xitaa saaxiibo ahaayeen, waxaana degdeg looga dalbaday in go’aankaasi ka laabto islamarkaana beesha uu siiyo waxay dooneyso.

Waxaa socda dedaallo lagu xalinayo arrintan, iyadoo Shariif Xasan ay Baydhabo ugu tagi doonaan rag kasoo jeeda Ogaadeen oo ku saaciday markii horeba in uu xilkaan qabto.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook