opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Shirkii Madasha oo u baaqday xiisado siyaasadeed ka dhex taagan maamul goboleedyada

FacebookTwitterGoogle+Share

Shirkii Madasha Wada-tashiga Qaran ee Madaxtooyada iclaamisay inuu dhaco 11-kii bishan oo ku beegneyd maalintii Talaadada ayaa u baaqday xiisado siyaasadeed iyo khilaaf ka dhex taagan maamul goboleedyada.

Sida ay sheegayaan warar ay heleyso Warbaahinta Wardoon.net shirkan ayaa looga hadli lahaa arrimaha dhameystirka doorashooyinka iyo Amniga, iyadoo la sheegay inuu ahaa shir markiisa hore fikiradiisa ka timid Madaxtooyada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koofur Galbeed uu soo xaadiray kaliya, iyadoo ay ka baaqsadeen Madaxda Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug oo aan wax cudur daar ah oo ay kaga baaqdeen shirka soo gudbin.

Arrimaha shirka u baaqday ayaa waxaa ka mid ah xiisada ka dhex taagan Maamulada Puntland iyo Galmudug, gaar ahaan colaada Gaalkacyo oo noqotay ma dhamaato, iyadoo Maamulka Puntland uu ku eedeeyay dowladda Federaalka inuu taageerayo maamulka Galmudug.

Sidoo kale waxaa jira khilaaf hoose oo u dhaxeeya Madaxweynayaasha Maamulada Koofur Galbeed iyo Jubbaland oo ka dhalatay liiskii Musharaxiinta Aqalka sare, kaddib markii Axmed Madoobe uu ka saaray xubintii Shariif Xasan watay, waxaana jiray heshiis labada dhinac u dhaxeeyay oo ahaa in liisaskooda ku soo daraan musharaxiin labada dhinac ka soo kala jeeda.

Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran oo ah madal ay ku mideysan yihiin dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa dhowr jeer oo hore lagu dhawaaqay inuu soo dhamaaday, balse waxaa uu u muuqdaa ruwaayad aan dhamaaneyn, madaxda waqtigooda dhamaaday iyo kuwa dowlad goboleedyada ay ku doonayaan inay talada ku sii xajistaan.

Dad badan ayaa aaminsan in inta uu jiro shirka Madasha Wada-tashiga Qaran, aanay doorasho dhici karin, waxaana cabsi laga qabaa in mar kale uu dib u dhac ku yimaado waqtigii loo qabtay inay ku dhacdo doorashada Madaxweynaha ee 30-ka November.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook