opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Shirqoolkii Reer Galbeedka u dhigeyn Dowladii Soomaaliya iyo go’aankii Maxamed Siyaad Barre +Video

lienc7
FacebookTwitterGoogle+Share

Dowladii kacaanka ee dalka ka talin jirtay waxaa ay heshiisyo muuqda iyo kuwa qarsoodi ah la gashay shirkaddo soo saara shidaalka iyo gaas-ka, inkastoo heshiisyadaasi dhamaantood aysan fullin gabi ahaanba, midaasi oo caqabad ku noqotay burburkii dowladii dhexe ee dalka oo ay majaraha u siibeyn jabhadihii dalka afarta dhinac kasoo galay.

Hadaba aan soo koobno heshiisyo dhowr ahaa oo ay dowladii Kacaanka la gashay shirkaddo shisheeye, waloowba ha u badnaadeyn dhamaantood Maraykan.

Bishii Maarso 1988-dii,Shirkadd ka shaqeysa howlaha shidaalka oo lagu magacaabo Chevron’s operations in Somalia(Chevron Oil) ayaa bilaawday howlo ay ku sahminayso ama ku baarayso shidaal la sheegay in uu ku jiro waqooyiga dalka Soomaaliya, waa halka manta loo yaqaan Somaliland.

Hadaba heshiiskaasi oo u muuqday mid qarsoodi ah ayaa waxay shirkadda la xiriirtay Jabhadii SNM [Somaliland National Movement] hadaba SNM-tii xiligaasi jirtay waxay is tuseyn hadii shidaalaasi la helo in labadda dal ee Soomaaliya iyo Jabuutiba ay ku intifaaci doonaan, Laakiin waxaa sidaasi oo kale shaki la geliyay in dowladii xiligaasi jirtay ay xogtaasi wax weyn ka ogeyd,si walibaa ha ahaatee arrintaasi in la fuliyo waxaa caqabad ku noqotay burburkii dowladii Siyaad barre, waxaana sidaasi ku burburay heshiiskaasi qarsoodiga ahaa.

Shirkadii Chevron waxay doonaysay in ay shidaalka ka sahmiso Lughaye, oo ka tirsan gobalka Awdal waana magaalo xeebeed, hadii shirkadda ku guuleysan waysana wuxuu yoolkoodii labaad ahaa Saylac, qorshuhu wuxuu ahaa meel 33 Mayl u jirta Galbeedka Saylac, waa meel 4 ilaa 5 mayl kaga aadan wadada Gaarisa.

Hadaba xog dheeri ah oo la helay ayaa sheegaysa in shirkadda Chevron si hoose heshiis ay la galeyn Qabiilka Godibiirso oo daga Saylac kuwaasi oo doonayay in shirkadda ay iyaga mas’uul kaga noqdaan howlaha amaanka, isla markaana ay sugu doonaan nabad gelaydda shaqalaaha shirkadda oo ka koobnaa Rag u dhashay Kanada,Maraykanka, Ingriiska, iyo Filipiin.

11 March 1990. Safiirkii Maraykanka ee Soomaaliya u joogay xiligaas Frank Crigler ayaa dowladda Soomaaliya waxay ku wargelisay in uusan dalka dib ugu soo laaban Karin, isaga oo ay ku eedaysay dowladda Soomaaliya in uu dalka ka wado howlo amaanka lid ku ah guud ahaan, laakiin wadahadal dheer kadib safiirka oo loo sheegay in uu soo geli karo Soomaaliya, wuxuu tijaabiyay in cunaqabateentaasi laga qaaday iyo inkale, wuxuu safar ku tagay xaruntii shirkadda Cocono ee Laas caanood.

15 March 1990. Safiirkii Maraykanak u joogay Soomaaliya Crigler markii uu booqday xaruntii shirkadda Conoco, wuxuu inta badan kala hadlay arrimo ku saabsan amaanka dalka Soomaaliya, gaar ahaan waxaa inta badan looga wada hadlay arrimaha ku saabsan deegaanadda Burco, Berbera iyo Laas Caanood.

Hadaba shirkadda waxay inta badan is tustay in waqooyiga Soomaaliya guud ahan uu shidaal ceegaago, waxaana go’aan lagu gaaray in lagu bixiyo lacag gaaraysa 16 Milyan gaar ahaan in Shidaalkaasi si gaar ah looga baaro Laas Caanood.

Shirkadda Conoco sanadihii sideetamaadkii waxay baaritaan shidaal ka samaysay aagga magaalada Garoowe, meesha loo yaqaan Ceelka Conoco, halkaas oo xarun u ahayd. Waxayna ka mid ahayd shirkado ay Xukuumadii Maxamed Siyaad Barre u saxiixday saddex-meelood-oo-labo (2/3) oo dalka Soomaaliya si ay shidaal uga baaraan – shirkadahaas waxaa ka mid ahaa: Conoco, Amoco, Chevron, iyo Phillips (waa ka hor intii aysan midoobin Conoco-Phillips, oo bishii August 2002 noqday hal shirkad oo la magac baxday ConocoPhillips).

Shirkadda Conoco rajo weyn ayey ka qabtey shidaalka Soomaaliya, waxaana taas daliil u ah: Xilligii hawlgalkii la magac baxay raja-Soo-Celinta (1992-1993), Xafiiskii Conoco ee Muqdisho in si ku meel-gaar ah loogu adeegsadey Safaaradda Maraykanka si ay ugu soo degaan Ciidamada Badda kaddib markii dhismihii asalka ahaa (safaaradii Maraykaanka ee Muqdisho) la duqeeyey oo la bililiqaysatay. Safiirkii Maraykanka ee Soomaaliya, Mr. Oakley iyo Jeneraalkii Ciidanka badda ee Maraykanka, Frank Libutti waxay warqad ammaan ah u qoreen Agaasimihii Guud ee Shirkadda Conoco, Raymond Marchand, ay uga mahad celinayaan adeegiisa.

Soomaaliya muddo dheer ayaa lagu sheegayey in shidaal ku jiro. Sannadkii 1991 ayey ahayd markii Bangiga Adduunka iyo Qaramada Midoobey ay baaris la xiriirta batroolka ku sameeyeen siddeed dal oo ku yaal dhanka Woqooyiga-bari ee Qaaradda Afrika. Baaritaankaas waxaa ka soo baxay in dalka labaad ee ay suurta-galka tahay in uu ku jiro batrool ganacsi geli-kara in uu yahay dalka Soomaaliya oo ku xiga dalka Suudaan..

20 May 1992:. Wadahadal dheer kadib Waaxda Mushaar bixinta Safaarada Maraykanka ayaa wakiilatay nin siyaasi Maraykan ahaa oo lagu magacaabi jiray John Fox, waxaa siyaasigaasi loo qorsheeyay in ay qaado diyaarad ay leedahay Shirkadda Conoco ama diyaarad kale oo qaas ah, waxaana qorshaha ahaa in uu dago xaruntii Conoco ee Muqdisho oo xiligaasi amaankeeda aad loo adkeeyay si aan loo bilili-qaysan.

Hadaba xaruntaasii kolkii dowladii dhexe ay burburtay waxaa gacanta ku qabtay Cismaan Xasan Cali caato, waxaana cismaan caato laga dalbaday in uu shirkadda hantideeda dhowro isla markaana uu ku wareejiyo ciidamadda Maraykanka ee dalka soo galay, Laakiin Cismaan caato oo ka dalbaday Maraykanka in ilaalada hantidaasi ay kaga baxday qarash badan ayaa la sheegay in la siiyay lacag, waxaa sidaasi oo kale safaarada maraykanka ay bixisay mid kamid ahaa Shaqaalaheedii oo Soomaali ahaa oo u geeriyooday Gaajadii ka dhacday Dalka waxayna bixiyeen laacg gaaraysa $2,000 (Doolar).

Xigasho: Hordhac.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook