opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

SOMA OIL oo lagu waayay dacwad la xiriirtay musuq maasuqa shidaal barista Somaliya

somalia-oil-gas-logo
FacebookTwitterGoogle+Share

Sharikadda SOMA Oil ee laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa lagu waayay dacwad la xiriirtay in ay Saraakiil ka mid ah Dowladda Soomaaliya laaluushtay si ay shidaal uga baarto Soomaaliya sidoo kalena lacago badan ku bixisay Soomaaliya.

Dacwaddan waxaa ku soo oogay Xasfiiska la socodka Musuq maasuqa ee Wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska ee loo soo gaabiyo SFO.

Dacwadda ayaa ka dhalatay kadib markii Sharikaddan lagu eedeeyay in ay lacago badan ku bixisay kobcinta xirfadda shaqaalaha Wasaaradda Batroolka Soomaaliya,lacagaas oo ku baxay qaab aan waafaqsaneyn nidaamka lacag bixinta.

Maxkamadda ayaa diidday Bishii August ee la soo dhaafay in ay dhegeysato Kiiskan,hayeeshee waxaa ay hadda laashay dacwaddaas kadib markii baaritaan dheer kadib la heli waayay caddeymo ku filan dacwadda ka dhanka ah SOMA Oil.

Markii ugu horreeysay waxaa kiiskan musuqa ah shaacisay Kooxda dabagalka Soomaaliya iyo Eritrea u qaabilsan Qaramada Midoobey oo warbixin ay soo saareen ku daray warbixintaas.

Kooxda Dabagalka waxaa ay sheegeen in lacagta lagu bixiyay tababarka shaqaalaha Wasaaradda Batroolka,Qalabeynta Xafiisyada Wasaaradda iyo Lacagaha ay ku safrayaan Mas’uuliyiinta Wasaaaradda Batroolka ee Soomaaliya.

SOMA OIL,ayaa beenisay in ay sameysay wax khilaafsan nidaamka heshiisyada iyo lacag bixinta,waxaan aay been abuur ku tilmnaantay warbixinta Kooxda dabagalka ay ka diyaariyeen xilligaas.

Xafiiska la socodka Musuqa halista ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska ayaa sheegay in aan caddeymo gaarsiisan dambi loo heyn SOMA OIL,sidaas ayeyna Maxkamadda ku laashay Kiiska ka dhanka SOMA Oil.

Warka ka soo baxay SOMA OIL,ayaa lagu sheegay in Sharikadda ay soo dhaweyneyso go’aanka Maxkamadda islamarkaana ay sii wadeyso howllaheeda SHidaal barista Soomaaliya iyada oo la shaqeyneysa Dolwadda Soomaaliya.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook