opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Taageerayaasha Inter Milan oo Xayawaan ku tilmaamay Mauro Icardi +Sawirro

FacebookTwitterGoogle+Share

Weeraryahanka reer Argentina iyo taageerayaasha naadiga gaar ahaan kuwa naadigu taageeradooda og yahay ee u diwaan gashan ayaa xidhiidhkoodu xumaaday, waxaanay tarabuunka soo dhigeen boodh ama maro lagu soo qoray qoraal wax lagaga sheegayo ciyaaryahanka hab dhaqankiisa, intii ciyaartu socotayna waxaa u dheeraa af-lagaadada ay sida toos ah ugu dhawaaqayeen ee la wada maqlayay.

Taageerayaasha naadiga ayaa codsaday in Icardi laga xayuubiyo xilka kabtanimo ee kooxda.

‘Ilmo yar ayaad u isticmaashay sidii aad naftaada ugu dejin lahayd, anagana waad na yastay… Ma tihid nin rag ah… Ma tihid kabtanka kooxda… Waxaad tahay dad qal’ iyo xayawaan,’ ayaa lagu soo xardhay boodhka lagu kala bixiyey saqafka tarabuunka ee garoonka.

Xaraarada iyo xanaaqa taageerayaashu waxay cirka isku sii shareertay markii uu laacibka ugu goolasha badan naadiga xili ciyaareedkani, uu cunay ama lumiyey rigoodhe loo dhigay ciyaarta oo 0-0 maraysa taas oo uu ku kasbaday inay foodhidii iyo af-lagaadadu sii korodho.

Xidhiidhka taageerayaasha iyo ciyaaryahanka, waxaa xumeeyey – qaybo kamid ah buug uu ciyaaryahanku dhawaan soo saaray’ qaybtaas oo uu kaga waramay iska hor imaad toos ah oo isaga iyo taageerayaasha dhex maray bishii Febraury 2015 kii , ciyaartii guuldarada ay kala kulmeen kooxda Sassuolo.

Ciyaartaas oo Inter 3-1 lagaga badiyey, ayuu Icardi kaga sheekeeyey wixii dhex maray isaga iyo taageerayaashii kooxda oo xanaaqsanaa, waxaanu xusay inaanu kaligii wajihin ee uu la socday ciyaaryahankii hore naadiga ugu ciyaari jiray ee Fredy Guarin.

Aad baan u cadhaysnaa maxaa yeelay ciyaarta si fiican uma ciyaarin. Taageerayaashu waxay bilaabeen inay nagu oriyaan, waxay noogu baaqayeen inaanu booskooda soo fadhiisano oo iyaga bedelo. Anigu waxaan ku dhiiraday inaan wajaho, iyadoo uu ila socdo Guarin,’ ayuu Icardi ku qoray buuga uu u bixiyey , ‘Sempre Avanti’, oo todobaadkan uun suuqyada lagu sii daayay.

Wuxuu sheegay inuu taageerayaashii caayay ku dhex arkay ‘wiil yar oo ka codsanaya inuu garankiisa siiyo” markii uu iska bixiyey ee uu u tuurayna ‘ taageerayaashu intay kii yaraa qasab kaga soo qaadeen, ay dib ugu soo tuureen dhinicii ciyaaryahanka.

Arintani waxay sidoo kale ka cadhaysiisay gudoomiyaha naadiga iyo Kabtankii hore ee kooxda ahna, maamulka sare ee naadiga, Zenetti, iyo waliba tabbobare Frank De Bour.

fc-internazionale-milano-v-juventus-fc-serie-a fc-internazionale-v-juventus-fc-serie-a inter-milan-supporters-deploy-a-banner-ainter-milan-supporters-deploy-a-banner-a1 mauro-icardi-main screen-shot-2016-10-08-at-094049wanda-nara-and-mauro-icardi fc-internazionale-milano-v-as-livorno-calcio-serie-a

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook