opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Taageerayaasha West Ham iyo Chelsea Oo Mar Kale Ku Dagaalamay London Stadium +Sawirro+Video

2
FacebookTwitterGoogle+Share

Shaqaaqo ayaa mar kale ka dhacday garoonka West Ham ee London Stadium ka dib guushii ay ka gaareen Chelsea oo dagaal uu hareeyay xalayto.
Tiro badan oo ciidamada boliiska ah ayaa la geeyay garoonka laakiin waa ay awoodi waayeen inay xakameeyaan dagaalkii dhexmaray taageerayaasha labada kooxood ee London ku xafiiltama.Xeyndaabkii la dhex dhigay taageerayaasha martida iyo kuwa minankooda joogay ayaa la burburiyay iyadoo jamaahiirta labada kooxood ay gacmaha iskula tageen daqiiqadihii u danbeeyay ciyaarta.Shilimaan, caagag iyo xitaa kuraas ayaa la isku turay iyadoo boliiska iyo shaqaalaha amaanka garoonka ay durbadiiba u dhaqaaqeen inay kala celiyaan taageerayaasha dagaalamaya.

Boliiska ayaa sheegay in la xiray todobo taageerayaal ah xalayto, waxaana ay balanqaadeen inay baaritaan ku sameyn doonaan taageerayaasha kale ee dhibka geystay.Taliye BJ Harrington ayaa u sheegay saxaafada: “Waxaa jiray dad tiro yar oo ujeedada ay ciyaarta u yimaadeen ay aheyd inay dagaal iyo rabshad kiciyaan.”Taageerayaashii Chelsea ee garoonka baxayay waxaa waardiyeeynayay ciidamada boliiska ilaa iyo ay ka gaareen xarunta tareenka Stratford.Kooxda West Ham waxaa hareeyay rabshado tan iyo markii ay xilli ciyaareedkan u soo guureen garoonka London Stadium, waxaana ay taageerayaashooda isku dhaceen taageeraal badan oo marti ku noqday garoonka xilli ciyaareedkan.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook