opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Taliyaha Ugu sareeya Ciidamada AMISOM oo Jowhar soo gaaray + Sawiro

3
FacebookTwitterGoogle+Share

Waxaa maanta magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle soo gaaray Wafdi uu hogaaminayay Taliyaha Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM Ganaraal Cismaan Nuur Subagle.

Taliyaha AMISOM ayaa lagu soo dhaweeyay Guriga gobolka ee magaalada Jowhar waxa uuna halkaasi kulamo kula qaatay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdiraxmaan Odawaa iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle Sheekh Cusmaan.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay halka ay mareyso doorashada Maamulka Hirshabelle iyo sidoo kale adkeynta amaanka inta ay socdaan doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hirshabelle.
Taliyaha Ciidamada AMISOM iyo saraakiisha la socota ayaa sidoo kale u kuur galayay xaalada amaanka magaalada Jowhar, saraakiisha AMISOM ka socotay ayaa sidoo kale la filayaa in ay la kulmaan saraakiisha AMISOM ee Jowhar ku sugan sidoo kale ay booqdaan xeryaha ciidanka AMISOM.

1 2 3 4

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook