opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Tartanka koobka Kubada Cagta adduunka (FIFA World Cup) oo isbedel cusub lagu sameynayo

d3b5067b1d244114a8d7bb95e5be3b21
FacebookTwitterGoogle+Share

Xiriirka Kubadda cagta Aduunka ee FIFA ayaa ka bilaabay magaalada Zurich kulan socon doona laba maalmood kaasoo looga arrinsanayo qorshe cusub oo wax looga bedelayo tartanka koobka kubada cagta Adduunka ee afartii sanabo mar la qabto.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee looga hadlayo kulankaa waxa ka mid ah qorshaha la isku maan dhaafsanyahay ee madaxa FIFA, Gianni Infantino ku doonayo in lagu kordhiyo tirada dalalka ka qayb gala tartanka koobka dunida.

Ciyaaraha dunida ayaa waxaa hadda ka qeyb gala 32 kooxood, iyadoo qorshaha hadda la wado uu yahay in la gaarsiiyo 48 kooxood.

Waxa kale oo culays lagu saarayaa inuu ka jawaabo baaqyada ka imanaya xiriirka kubadda cagta Falastiin ee ah in shan kooxood oo saldhigoodu yahay Daanta Galbeed laga joojiyo inay ka qayb qaataan horyaalka Isreal.

Infantino wuxu xilka madaxtinimada FIFA la wareegay sideed bilood ka hor isagoo ballan ku qaaday in uu dib u habayn doono ururkan oo madaxdii hore ay ku soo baxeen fadeexado maaliyadeed iyo musuqmaasuq.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook