opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Ugaas Xasan oo diiday in uu tago Jowhar +Video

FacebookTwitterGoogle+Share

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa diiday in uu ka qeyb galo caleema saarka Madaxweynaha iyo sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle oo hada ka socota Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo maalmihii lasoo dhaafay joogay Magaalada Baledweyne ayaa sheegay in uu waxgaradka gobolka uu ka dhaadhiciyay in ay taageeraan maamulka Cusub ee Hirshabeelle.

Ugaaska oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan marnaba tageynin Magaalada Jowhar.

Ugaaska ayaa sidoo kale sheegay in aysan taageersaneynin maamulka Hirshabeelle oo Maanta Madaxweynahooda lagu caleemo saaraayo Magaalada Jowhar.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in waxgaradka gobolka Hiiraan ay taagan yihiin Mowqifkoodii ku aadanaa in aysan la midoobin Shabeellaha Dhexe.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook