opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Wafdi ka socda Dowlada Soomaaliya oo Goordhow gaaray Magaalda Cadaado

4
FacebookTwitterGoogle+Share

War Goordhow naga soo gaaray Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in halkaas ay gaareen Saraakiil ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka iyo Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka.

Masuuliyiintan ayaa sida uu warku sheegayo waxaa ay u kuur galayaan amniga degaannada Galmudug iyo goobaha ay doorashada ka dhaceyso.

Msuuliyiinta Gaartay Cadaado waxaa kamid ah Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka Cali Baashi Maxamed,Taliyaha Ciidanka AMISOM Cismaan Nuur Subagle iyo Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka dadban ee Dalka Cumar maxa,ed Cabdulle Cumar (Dhageey).

Wafdiga waxaa magaalada Cadaado kaga sii horreeyay Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo sidoo kale ah madaxa amniga doorashooyinka ka dhacaya dalka.

Dowladda Federaalka ayaa horay u sheegtay in Ciidamo ka socda AMISOM la geynayo degaannada Galmudug si ay u xaqiijiyaan goobaha ay ka dhaceyso doorashada Dadban ee Soomaaliya.

Maamulka Galmudug Mas’uuliyiin u hadlay ayaa horay u sheegay in aysan u baahneyn AMISOM islamarkaana ay ku filanyihiin xaqiijinta amniga doorashada.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook