opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Wakiilkii Baarlamanka Yurub u fadhiyay Britain Oo Feer dhulka lala dhigay +Sawirro

5
FacebookTwitterGoogle+Share

Gudaha xarunta baarlamaanka Yurub ayaa waxaa la sheegay in lagu dhex feeray maanta Steven Woolfe oo Baarlamanka Yurub u fadhiya dalkiisa Britain.

Waxaa falkani ka dambeeyay sida uu taleefishinka skynews baahiyey nin saaxiibkiis ah oo isla xisbigiisa ka tirsan, iyadoo Steven Woolfe markii la feeray uu dhulka ku dhacay.

Siyaasigan ayey wararku sheegayaan inuu madaxa dhiig kaga furmay ka dib markii feer wajiga looga dhuftay taasoo sababtay inuu madaxa dhulka ku dhufsado ka dibna uu miyir beelo, isbitaalka ayaana loola cararay.

Gacan ka hadalka ayaa yimid ka dib markii shir saaka gudaha baarlamanka Yurub uu ka dhacay shir ay labada nin hadalo kulul isku weydaarsadeen.

Ma cadda sababta keentay in ismaan-dhaafka labadan masuul balse Jariiradda The Guardian ayaa qortay in ninka la feeray uu qorsheynayey inuu la wareego jagada hogaaminta xisbiga UKIP oo uu iska casilay guddoomiyihii hore Diane James oo 18-maalmood ah oo qura hayey xilkaas.

Xisbiga UKIP ee labadan nin ay ka wada tirsanayeen ayaa u ololeynayey in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub, waxaana uu baarlamaanka Britain ku leeyahay oo hal kursi oo kaliya.

1 2 3 4 5

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook