opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Waqtiga La Samayn Doono Isku Aadka Koobka Qaramada Afrika Ee 2017 Oo La Shaaciyay

2017_afcon_qualification_logo
FacebookTwitterGoogle+Share

Xidhiidhka kubbada cagta Afrika ayaa shaaciyay taariikhda la samayn doono isku aadka koobka qaramada Afrika ee la qaban doono horyaanta sanadka cusub ee 2017. Tartanka qaramada Afrika ee AFCON 2017 ayuu marti galin doonaa dalka Gabon, waxaana ku tartami doona 16 xul qaran oo ka soo baxay 54 dal oo Afrika ah oo isreeb reeb waqti badan qaatay ku soo kala baxay.

Isku aadka koobka qaramada Afrika ee 2017 ayaa la samayn doonaa Maanta oo Arbaco ah 19 October 2016 , waxaana lagu qaban doonaa caasimada dalka koobkan marti galin doone ee Gabon ee Libreville iyada oo xulalka qaramada ku tartami doona koobka qaarada Afrika ay ogaan doonaan cida ay ku aadi doonaan.Koobka qaramada Afrika ayaa la ciyaari doonaa markiisii 31 aad.

WAA KUWEE QARAMAA U SOO BAXAY KOOBKA QARAMADA AFRIKA EE 2017 EE ISKU AADKA LOO SAMAYN DOONAA?

Koobka qaarada Afrika ugu xiisaha badan ee ay qaramadu ku tartamaan ayay sanadka cusub ka ciyaari doonaan 16 xul qaran oo ah 15 xul qaran oo isreeb reeb ku soo baxay iyo xulka qaranka Gabon oo si toos ah ugu soo baxay maadaamo oo ay marti galinayaan AFCON 2017.
Xulalka qaramada Uganda iyo Togo ayaa Group D kaga soo baxay labadii qaran ee ugu fiicnaa waxayna ku biireen qaramada kale ee ka soo baxay groupyada kale oo kala ah Tunisia (Group A), DR Congo
(Group B), Mali (Group C), Burkina Faso (Group D), Guinea Bissau (Group E), Morocco
(Group F), Egypt (Group G), Ghana (Group H), Cote d’Ivoire (Group I), Algeria (Group J), Senegal (Group K), Zimbabwe (Group L) iyo Cameroon (Group M). Waxaana tiradan dhamaystiri doona Gabon oo si toos ah ugu soo baxday.

Sideed xul qaran oo hore ugu soo guulaystay koobka qaramada Afrika ayaa ku jira liiska xulalka qaramada isku aadka barri loo samayn doono, waxaana ku jira xulka qaranka koobkan difaacanaya ee Cote d’Ivoire ama Ivory Coast hadba sida aad u taqaan. Ivory Coast ayaa sanadkii 2015 kii koobkan ku guulaystay iyaga oo ku soo hantay dalka Equatorial Guinea.

Todobada xul qaran ee koobkan ku soo guulaystay isla markaana isku aadka qaybta ah ayay ka mid yihiin Algeria (1990); Cameroon (1984, 1988, 2000, 2002); Egypt (1957, 1959, 1986, 1998, 2006, 2008, 2010); Ghana (1963, 1965, 1978, 1982); Morocco (1976); Congo (1968, 1974) and Tunisia (2004). Waxaana koobkan tirada ugu badan ku soo guulaystay qaramada Masar,Cameroon iyo Ghana.

Guud ahaan koobka qaramada Afrika ayay 14 xul qaran ku soo guulaysteen ugu yaraan halmar iyada oo Masar 7 jeer koobkan sare u soo qaaday waana xulka qaranka ugu guulaha badan Afrika. Ghana iyo Camercoon ayaa min 4 jeer koobkan ku soo guulasytay halka xulka qaranka Algeria uu 3 jeer soo hantay.

Cote d’Ivoire iyo DR Congo ayaa iyaguna min laba jeer koobkan ku soo guulaystay halka xulalka kale ee min hal jeer koobka qaramada Afrika ku soo guulaystay ayaa kala ah Algeria, Congo, Ethiopia, Morocco, South Africa, Sudan, Tunisia and Zambia.

QARAMADA QAYBTA KA AH AFCON OO DHAMAYSTIRAN:

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook