opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

War Cusub oo laga helay Dagaalkii Galabta Gaalkacyo +Cod

lates2
FacebookTwitterGoogle+Share

Waxa markale Galabta dib uga qarxay Magaalada Gaalkacyo Dagaal Culus oo u dhexeeya Ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland oo muddooyin is horfadhiyey.

Dagaalkii Galabta dhacay oo ahaa mid ka duwanaa kuwii hore geystayna Qasaaro xoogan ayaa ka dhacay Ilaa iyo sedax Goobood oo ku yaala Magaalada Gaalkacyo.

Mid ka mid ah Wariyaasha Gaalkacyo ayaa Sheegay in Dagaalkii Galabta uu ahaa mid Culus oo la isku adeegsaday Hubka Culculus iyo midka Fudud uuna markii hare ka biloowday Gudaha Magaalada Gaar ahaan Halka loo yaqaan Cagaarweyne, iyagoona sidoo kale ka qarxay Labo goobood oo kale oo Magaalada Banaankeeda ah, Sida goobtii horay la isku horfadhiyey ee ay Puntland Maxjarka ka dhiseyso.

Dagaalka Galabta oo bilowday Casarkii ayaa la isla soo gaaray Maqribkii waxana ku dhintay kudhowaad 10 ruux halka in ka badan 20 ruuxna ay ku dhaawacmeen.

Maalmihii ugu dambeeyey waxa Gaalkacyo ka socday waan waan lagu doonayey in lagu kala dhex galo labada Maamul wallow ilaa iyo hadda aysan jirin wax muuqda oo laga gaaray Arrintaas.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook