opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

West Ham United Oo Chelsea Ka Tuurtay Tareenka Leaque Cupka +Sawirro

666
FacebookTwitterGoogle+Share

Kooxda West Ham United ayaa u soo baxday wareega sideed dhamaadka Leaque Cupka kadib markii ay London Stadium ku soo garaacday Chelsea. West Ham United ayaa guushan muhiimka ah ku gaadhay laba gool oo ka kala yimid Cheikhou Kouyaté iyo Edimilson Fernandes halka dhamaadkii ciyaarta uu Gary Cahill kooxdiisa udhliyay goolka aan natiijada ciyaarta waxba ka badalin..

Qaybtii hore ee kulankan Chelsea ayaan ka faa’iidaysan fursadihii ay heshay taas oo wax fiican u ahayd kooxda martida loo ahaa ee West Ham United oo qaybtii hore ee ciyaarta gacanta sare ku lahayd natiijada kulankan. Conte oo markale sii aaminay shaxdiisa 3-4-3 ayayna xidigaha uu soo xushay fursadihii uga faa’iidayn.

DAQIIQADII 11 AAD GOOOOOL! West Ham United ayaa markiiba heshay goolkeeda furitaanka iyada oo gool qurux badan uu madax cajiib ah ku dhaliyay Cheikhou Kouyaté kadib markii uu kubbad caawin ka helay Mark Noble waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay West Ham kaga naxsatay Blues.

Daqiiadii 31 aad West Ham United ayaa ugu dhawaatay in ay hesho goolkeeda labaad kadib markii Antonio iyo Lanzini ay dhibaato wayn ku abuureen difaaca Chelsea balse fursadan ayaan noqon mid lagu faa’iiday laakiin Chelsea ayaa si joogto ah u raadinaysay goolka barbaraha inkasta oo ay Hammers doonaysay in ay goolka labaad ku aamusiiso.

DAQIIQADII 45 AAD Chelsea ayaa heshay wax u muuqday goolka barbaraha ee ay waqti badan raadinaysay kadib markii kubbad weerar deg deg ah uu Oscar u bixiyay Batshuayi laakiin xidiga ree Belgium ayaa lumiyay fursad cajiib ahayd isaga oo goolka West Ham u jiray 12 yards oo kalya. Si kastaba ha ahaatee, qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1:0 ay West Ham hogaanka ciayarta ku haysay.Begovic ayaa Cheslea fursado halis ahaa ka badbaadiyay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta West Ham United ayaa markiiba bilawday in ay raadiso goolkeeda labaad si u hesho kalsooni ay natiijada ciyaarta ku haysan karto, waxayna markiiba bilawday in ay culayska saarto Chelsea.

DAQIIQADII 48 AAD GOOOOOOOOOOL! West Ham United ayaa heshay goolkeeda labaad kadib markii Edimilson Fernandes uu kooxdiisa u keenay goolka ay Chelsea xaalada ugu sii xumaysay, wuxuuna ahaa gool Antonio Conte ku qasbay in markiiba uu Hazard iyo Costa ka dalbaday in ay isku kululeeyaan si ay ciyaarta u soo galaan, waxayna natiijada ciyaartu isku badashay 2:0 ay West Ham United hogaanka ku dheeraysatay.

DAQIIQADII 54 AAD Conte ayaa ciyaarta ka saaray Michy Batshuayi wuxuuna kaydka uga yeedhay Diego Da Silva Costa, waxayna Chelsea dagaal ugu jirtay sidii ay ciyaarta dib ugu soo laaban lahayd iyada oo abuurtay fursado cajiib ah oo tiro badan balse waxay Blues u muuqatay mid nasiibku diidan yahay.Costa ayaa fursado fiican uga faa’iidayn waayay kooxdiisa inkasta oo uu dadaal badan sameeyay.

Dhamaadkii ciyaarta labada kooxoodba waxay iska lumiyeen fursado aan la rumaysan karin iyada oo West Ham United ugu dhawaatay in ay goolka saddexaad hesho waxaana fursada ay ciyaarta ku dhamayn kareen iska lumiyay Andre Ayew.

DAQIIQADII 90+4 AAD GOOOOOL! Dhamaadkii ciyaarta xili xeedho iyo fandhaalba kala dhaceen ayay Chelsea heshay goolka kaliya ee ay kulankan ka dhalisay waxaana Blues goolka aan natiijada waxba ka badalin udhaliyay Gary Cahill oo kubbad caawin ka helay César Azpilicueta waxayna ciyaartu noqotay 2:1 ay wali Hammers hogaanka ciyaarta ku hayso.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:1 ay West Ham United ku garaacday Chelsea isla markaana ay ugu soo baxday sideed dhamaadka Leaque Cupka halka Chelsea ay dibada ka noqotay tartanka Leaque Cupka.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook