opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Xasan Sheekh Iyo Jawaari Oo Kusiijeeda Jowhar

FacebookTwitterGoogle+Share

Warar soo baxaya waxay sheegayaan in madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ay ku wajahan yihiin magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Waxa ay ka qeybgeli doonaan shaacinta xildhibaannada baarlamaanka Hirshabelle, waxaana lagu wadaa in shaacintaasi maanta ama berri ay noqoto.

Amniga guud ee Jowhar maanta ayaaba aad loo sii adkeeyay, waxaana guud ahaan magaalada lagu soo daadiyey ciidamo gaar ah oo amniga xaqiijiye sida ay soo sheegayaan dad ku sugan halkaasi.

Wararka waxay sidoo kale sheegayaan in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay xireen qaar kamid ah waddooyinka degmada Jowhar, waxaana madaxda ay yihiin kuwo halkaasi aad looga sugayo.

Xubno ka socda urur goboleedka IGAD ayaa la filayaa in sidoo kale ay tagaan magaalada Jowhar si ay marqaati uga noqdaan hannaanka loo shaacinayo xildhibaannada baarlamaanka Hirshabelle.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook