Xiisad weli ka taagan Magaalada Gaalkacyo iyo Kulan mar kale Maanta ka dhacaya Suuqa Magaalada Gaalkacyo +Cod

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaalada ay saakay tahay  mid kacsan waxaana magaalada Gaalkacyo lagu arkaaya ciidamo aad u farabadan oo ay soo dhoobeen maamulada Puntland iyo Galmudug.

Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa isku horfadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegaya in ay qarka u saaran yihiin in  ay isku dhacaan.

Waxgaradka  iyo Culimada gobolka Mudug ayaa lagu wadaa in ay maanta kulan ku yeeshaan Suuqa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Wada hadaladii u dhaxeeyay Waxgaradka Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa burburay, maadaama Dagaal u dhaxeeya labada dhinac uu markale ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

 

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook