opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer oo ku Guuleestay Xubnaha Aqalka Sare ee Somalia

3
FacebookTwitterGoogle+Share

Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta u codeenaya xubnaha maamulkaasi ku matalaya Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxa ayna Xildhibaanada kala saarayaan Musharxiinta u tartamaysa Aqalka sare.

Waxaa goordhaw Baarlamaanka Maamulka Galmudug ay u codeeyeen labo Musharax oo kala ah Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow (Dheg-dheer) iyo Luul Maxamed Sheekh Cusmaan oo ku tartamayay kamid noqoshada Aqalka sare, labadan Xubnood ayaana kasoo jeeda Beesha Murusade.

Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow (Dheg-dheer) ayaa ku guuleestay in uu kamid noqdo Xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxa uuna helay codad gaaraya 52 cod halka Luul Maxamed Sheekh Cusmaan ay iyana heshay Codad gaaraya 35 cod.
Waxaa sidoo kale la filayaa in Baarlamaanaka usii codeeyaan ayna kala saaraan Xubnaha kale ee ku tartamaya Aqalka sare, waxaana ilaa hada la doortay sadex Xubnood oo kamid noqonaya Xubnaha Aqaka sare.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook