opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Xildhibaan C/qaadir Cali Jaamac (Qalab-Xoor)“Raisulwasaaraha Soomaliya Dhexdhaxaad kama aha Xalinta Colaada Gaalkacyo” +Cod

qalabxoor
FacebookTwitterGoogle+Share

Xildhibaan C/qaadir Cali Jaamac (Qalab-Xoor) oo ka Tirsan Baarlamanka Soomaaliya ayaa Mid aan waxtar la hayn ku Sifeeyey Wada Hadalka Raisulwasaaraha Soomaaliya uu Doonaayo in uu ka Dhex Bilaabo Maamulada Galmudug iyo Puntland oo ku Dagaalamaya Gacan ku Heynta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.

Xildhibaan Qalab-Xoor ayaa Sheegay Raisulwasaarada Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid uusan Dhex-Dheexaad ka aheyn Colaada Gaalkacyo isla Markaana uu Taageero Maamulka Gobaleedka Puntland.

Xildhinaan oo Sii Hadlayey ayaa Raisulwasaara Cumar ku eedeeyey in indhaha ka Dadbayo Xad Gudubka Qaawan oo uu xusay Maamulka Puntland uu ku Sameeyey Heshiiskii 4-Qodab ka Koobnaa oo labada Maamul ay ku gaareen Garoonka Gaalkacyo Dhamaadii Sanadkii aanu Soo Dhaafnay ee 2015-kii kuwaasi laga gaaray Dagaal Boqolaal Qof ay ku Dhinteen Kumanaan kalena ay ku Barakaceen.

Ugan dambeyntii Xildhibaan C/qaadir Cali Jaamac Qalab-Xoor ayaa Sheegay in Abaabulka Dagaalka Gaalkacyo uu yahay Mid ka Dhan ah Nabad ku wada Dagaanshaha Bulshada Gobalka Mudug Kuwaas oo Gaalkacyo kuwada Dagan Heshiis ay wada gaareen Allah Unaxariisteen Generaal-Maxamed Faarax Ceydiid iyo Corneel C/haali Yuusuf Axmed Sanadkii 1993.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook