opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Xildhibaanada cusub ee Maamulka HIRSHABEELLE oo Manta Ladhaarinayo

calanka
FacebookTwitterGoogle+Share

Waxaa maanta markii ugu horeysay lagu xareeyay Hoolka shirarka ee magaalada Jowhar Xildhibaanada cusub ee Maamulka HIRSHABEELLE, oo dhowaan ay soo xuleen Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Xildhibaanada cusub ee maamulka labada gobol ayaa maanta la kulmay Guddiga farsamada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Urur Goboleedka IGAD, iyagoo ka wada hadlay sidii loo sii wadi lahaa shirka looguna gudbi lahaa wajiyada ugu dambeeya.

Inkastoo aan wali si rasmi ah loo shaacin tirada Xildhibaanada ayaa waxaa lagu wadaa in goor dhow la dhaariyo, si ay ula wareegaan howlaha shirka inta ka dhiman, balse waxaa jira beelo aan wali soo gudbin Xildhibaanada u matalaya baarlamaanka labada gobol.

Mudanayaasha baarlamaanka maamulka HIRSHABEELLE ayaa lagu wadaa inuu noqdo Baarlamaan ay ka mid yihiin dumar ka yar dumarka kale ee ku jira golayaasha baarlamaanka maamul goboleedyada dalka ka jira.

Illaa saddex haween ayaa la xaqiijiyay inay ka mid yihiin Baarlamaanka maamulka labada gobol ee la soo xulay, iyadoo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gabale oo ku sugan Jowhar ay dadaal ugu jirto, sidii haweenka ay saamigooda uga heli lahaayeen Baarlamaanka labada gobol.

Haddii lagu guuleysto in maanta ama berri sida qorshuhu yahay la dhaariyo Xildhibaanada ayna iska dhex doortaan guddoomiye ay fududaan doonto sidii loogu gudbi lahaa gabagabada shirka oo lagu wado in 15ka bishan Oktobar lagu soo doorto madaxweynaha maamulka Hirshabelle.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook