opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Xildhibaanada Hirshabelle oo Is Horfariistay Maanta Kana Hadlay Arinta…

FacebookTwitterGoogle+Share

Kulankii ugu horeeyey ayaa waxa maanta Magaalada Jowhar ku yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle.

Waxa shir Gudoominayey Kulankaasi Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo Ah Afhayeenka Baarlamaanka Hirshabelle.

Ujeedka Kulankaasi waxa uu ahaa mid la isku baranayey shaqooyinka Jadwalkoodana lagu soo gudbinayey.

Xildhibaan Maxamed Yuusuf Coloow oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in Akhrinta Dastuurka Maamulkaasi laga hadlay.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya Xilli la guda galayo Shaqooyinka Horyaalla waxaana Magaalada Laga dareemayaa dhaq dhaqaaq Siyaasadeed oo ku aadan Xubnaha doonaya Xildhibaanada Aqalka Sare si ay uga mid noqdaan Baarlamaanka Cusub Ee Soomaaliya.

Jowhar oo ah Xarunta Maamulka Hirshabelle ayaa laga dheehan karaa isbadel Hormar leh oo Ganacsi ahaan ah,gaadiid is dhaaf dhaafaya iyo Bilic soo celin Nadaafada ah.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook