opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Xiliga ay dheceyso Doorashada Aqalka Sare ee K/Galbeed oo la shaaciyey

sharif-xasan
FacebookTwitterGoogle+Share

Maamulka Koofur Galbeed ayaa ku dhawaaqay waqtiga ay qabanayaan Doorashada Musharrixiinta maamulkaasi u matalaya aqala sare ee Soomaaliya.

Guddoomiyha Guddiga doorashada Dadban ee Maamulka Koofur Galbeed Sayid Cali Baafo,ayaa sheegay in maanta oo talaado ah Xildhibaannada doonaya aqalka sare ay jeediyaan khudbadahooda,islamarkaana ay buuxiyaan shuruudaha lag rabo.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Maalmaha Arbacada iyo khamiista ee Berri iyo Saadambe sheegay in ay doorashada xubnaha aqalka sare ka dhaceyso Magaalada Baydhaba oo hadda xarun kumeel gaar ah u ah maamulka Koofur Galbeed.

Dhanka kale waxaa uu Xildhibaannada u tartamaya aqalka hoose ee ay dooranayaan Ergada 51ka XUbnood ah ka dalbaday inyaguna aysan waqti lumin isku sameyn,waxaa uu iyaguna ku war geliyay in 23ka Bishan Octoober la dooranayo Xildhibaanka ugu horreeyay ee xubnaha aqalka hoos ee Golaha Shacabka ku matalaya Koofur Galbeed.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook