opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Aadan Madoobe oo maanta ku Guuleestay Doorashada aqalka Hoose ee Baydhabo ka Dhacday

Somali parliament speaker Sheik Aden Mohamed Nur, seen, speaking to journalists in Baidoa, Monday, Dec. 29, 2008. Nur said  he will be the acting president until the parliament elects new president within 30 days. President Abdullai Yusuf resigned as president Monday, Dec.29, 2008. (AP Photo)
FacebookTwitterGoogle+Share

Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Somalia Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku guuleystay doorashada xubnaha aqalka hoose ee Baarlamanka Somalia oo maanta ka dhacday magalada Baydhabo.

Shiikh Aadan Madoobe ayaa ka baxsaday qorshe looga ilaalinayey inuu kaga mid noqdo Baarlamanka cusub e Somalia, kaasoo uu waday madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Shariifka ayaa mudooyinkan waday qorshe siyaasiyiinta magaca ku leh beelaha Bay iyo Bakool looga ilaalinayey iney ku soo baxaan doorashada aqalka hoose si aysan isugu soo sharixin doorashada gudoomiyaha cusub ee baarlamanka oo Shariif Xasan uu doonayo iney qaataan beelaha kale, si beelaha Digil iyo mirifle ay u helaan Madaxweyne ama raisul wasaare.

Shiikh Aadan Madoobe ayaan la ogeyn sida uu uga booday debinta uu shariif Xasan u dhigay, iyadoo dhinaca labada nin siyaasad ahaan aysan isku fiicneyn.

Xildhibaano kale oo ka mid noqonaya xubnaha aqalka hoose ayaa maanta lagu doortay isla magaalada Baydhabo, kuwaasoo magacyadooda aan dib idinkaga soo gudbin doono insha ALLAAH.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook