AKHRISO: Guddiga loo magacaabay dhameystirka heshiiska Gaalkacyo

Guddi ka kooban 18 xubnood ayaa loo magacaabay in ay dhameystiraan heshiiskii shalay Magaalada Gaalkacyo ay ku gaareen Madaxda Maamullada Puntland iyo Galmudug.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay Guddi 8 xubnood ah oo la xoojooda, Guddiga uu soo magacaabay Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo ka kooban 8 xubnood.

Guddiga 8-da xubnood ka koban ee ka socda dhanka Maamulka Galmudug waxaa ka muuqda Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Galmudug, halka Guddiga Maamulka Puntland ay ka muuqdaan Mas’uuliyiin Puntland ka tirsan iyo xubno kale.

Guddiga Puntland

1- Xasan Maxamed Abgaalow Gudoomiyaha Gobalka Mudug.
2- Maxamed Yaasiin Tumey Duqa magaalada Gaalkacyo.
3- Jen, Muxuyadiin Axmed Muuse Taliyaha La dagaalanka Argagixisada.
4- Col, Cabdul Warsame Cusmaan Taliye oo katirsan ciidamada Difaaca.
5- Cabdi Diiriye (Cabi Qurux) Nabadoon Waxgaradka Gobalka Mudug.
6- Xuseen Gurey Nabadoon Waxgaradka Gobalka Mudug.
7- Abdulaahi Aaden Gaas Ganacsade kamid ah Ganacsatada G Mudug
8- Maxamed Quute Ganacsade kamid ah Ganacsatada G Mudug
9- Sh Abshir Abdirahmaan Yusuf Wadaad kamid ah Culumada Ahlu Suna Mudug.

Guddiga Galmudug

1- Cabdikariim Xuseen Guuleed Madaxweynaha Galmudug
2- Cabdirashiid Xaashi Cartan Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug.
3- Xirsi Yuusuf Barre Duqa magaalada Gaalkacyo ee Galmudug
4- Cabdulqaadir Jaamac Seed Waxgaradka Nabadoonada.
5- Cabdikariim Sheekh Axmed
6- Xasan Faarax Barre
7- Cabdicasiis Cabdulaahi Cabdi
8- Cabdi Jaamac Cabdulle
9- Cabdinaasir Cabdi Faarax

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook