opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Akhriso:Magacyada iyo Qabiilada xubnaha aqalka hoose ee maanta lagu doortay Jowhar +Sawirro

03-2
FacebookTwitterGoogle+Share

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu doortay xildhibaano cusub oo ka mid noqday aqalka Hoose ee Baarlamanka cusub ee Soomaaliya hogaamin doona afarta sano ee soo socota.

Illaa afar Xildhibaan ayaa maanta lagu doortay magaalada Jowhar kuwaasoo ay ku tartameen xildhibaano hore iyo rag ku cusub siyaasada dalka, waxaana loogu kala guuleystay sidatan:

1-Kursiga Beesha Harti Abgaal/Agoonyar ayaa waxaa ku guuleystay: C/llaahi Maxamed Nuur – Wasiiru dowlaha Maaliyada oo helay 28 cod, wuxuuna ka guuleystay musharaxiin kale oo ku jiray Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo helay hal cod oo kaliya.

2-Kursiga kale ee Beesha Harti Abgaal/Owbakar waxaa ku guuleystay: Maxamed Abukar Islow (Ducaale) oo helay 48 cod.

3-Kursiga Beesha Gaaljecel/Barsane waxaa ku guuleystay C/sataar C/salaan Sheekh Xasan Barsane oo ka tirsana xildhibaanadi hore kaasoo helay 29 Cod.

4-Kursiga Beesha Udeejeen waxaa ku guuleytay: Cusmaan Maxamed Cabdi – Wasiir ku xigeenka Caafimaadka oo helay 50 cod.

Doorashooyinka xubnaha aqalka hoose ee Baarlamanka federaalka Soomaaliya ayaa weli ka socda maamul goboleedyada dalka Marka laga reebo maamulka Jubbaland oo soo maalmo ka hor dhameystiray doorashooyinka xubnaha aqalka hoose.

03 04 05 06 07

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook