opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Al Shabaab oo soo bandhigtay gaari Tikniko ah iyo Ciidamo katirsan Dowlada oo isku dhiibay +Sawirro

10-2
FacebookTwitterGoogle+Share

Ururka Al Shabaab ayaa deegaanka Kuunya-barow ee Gobolka Shabellaha hoose, waxa ay ku soo bandhigeen Gaari ay leeyihiin ciidanka Xooga dalka Somaliya iyo labo Askari oo watay gaarigaasi.

Shabaab ayaa fagaare ku yaala deegaankaasi isugu yeeray Boqolaal dadweyne ah, kuwaasi oo daawanaayay gaariga laga soo bandhigay iyo labada Askari oo ka tirsanaa ciidanka Xooga dalka Somaliya, balse ku biiray Ururka Al Shabaab.

Gaariga ciidanka ee Shabaab ay soo bandhigeen oo taarikadiisa ay tahay Xooga dalka 5596, ayaa waxaa saarnaa Qori noociisa uu yahay Dashiike, waxaana sidoo kale wehliyay Qoryaha RBG, PKM iyo AK-47 iyo rasaas.

Labada Askari oo lagu soo bandhigay Fagaaraha ayaa waxa ay sheegeen gaarigaan inay kala soo goosteen ciidamada Dowladda ee ku sugan Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha hoose.

Askartaan ayaa sheegtay sababta ciidanka Dowladda ay uga goosteen inay tahay duruufo kala duwan oo ciidanka ku dhex qabsaday iyo in muddo ah inaysan helin Mushaaraadkii ay xaqa u lahaayeen.

Ciidanka Xooga dalka Somaliya ayaa Duruufo kala duwan ku shaqeeya, iyagoo aanan helin Mushaaraadkii ay xaqa u lahaayeen, taasi oo keenaysa in Askarta si qaldan ay u fekeraan.

1-1-2

2-1

3-1

4-1

5-1

6-1

9-1

10-2

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook