opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

AMISOM oo Digniin culus soo saartay +Cod

amisom
FacebookTwitterGoogle+Share

Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ku soo laab laabanaya Dagaal beeleedyo u dhaxeeya dad walaalo ah oo halkaasi wada dega, waxaana Dagaaladaas ay geysanayaan khasaare isugu jire dhimasho iyo dhaawac.

Kulan ay Magalada Beledweyne ku yeesheen Ciidanka AMISOM gaar ahaan Ciidanka Jabuuti iyo Maamulka Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa looga hadlay sidii loo hakin lahaa Dagaalada.

Taliyaha Ciidanka Jabuuti ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo lagu joojinayo Dagaalada, isago sidoo kale sheegay cidii ka dhega adeegta wada hadalada in xabad lala dhici doono oo Dagaal lagu qaadi doono.

Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Cusmaan Jeyte oo kulanka ka hadlay ayaa wuxuu sheegay Dagaal beeleedyada hadii ay sii socdaan in ay yihiin kuwo dano gaar ah laga leeyahay, waxaana labada dhinac uu ugu baaqay in ay nabada ka shaqeeyaan.

Dhowaan Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay Dagaal beeleedyo geystay khasaare isgu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook