opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Baalal Quraan horey loo qoray oo laga helay Jaamacada Biringham

FacebookTwitterGoogle+Share

Amiir Charles ayaa siinaya nuqul digital ah oo ah baalal Quraan hore oo laga helay Jaamacada Birmingham, booqasho uu ku tagay Isutaga Imaaraadka Carabta.

Nuqulka Quraanka ayaa noqon doona waxyaabaha ugu muhiimsan xiriir dhaqan oo soconaya sanad oo u dhaxeeya Britain iyo waddamada Khaliijka.

Qaybta asalka ee Quraanka oo noqon kara kan ugu da’da wayn adduunka, ayaa yaala Jaamacada Birmingham ee Britain.

Quraanka oo ah ugu yaraan 1,370 oo sano, ayaa lagu tilmaamay inay ahayd wax wayn oo la helay.
Jaamacada Birmingham oo heshay Quraanka sanadkii hore, ayaa haysay Quraanka tan iyo 1920 meeyadii waxaana la ogaaday inuu ka horeeyay waqtigii loo malaynayay.

Waqtiyo kala duwan, oo la qiyaasayo in la qoray Quraanka ayaa baaritaan ay samaysay Jaamacadda Oxford, ay muujinayaan Quraanka inuu ahaa Qayb ka mid ah Quraankii ugu horeeyay.
Quraanka laga helay jaamacada Birmingham ayaa ka mid ah baalashii ugu horeeyay adduunka
Baalasha ay ku qoran yihiin Quraanka, oo lagu qoray maqaar ido ama riyo ayaa lagu soo bandhigay meel ay dadka ka arkaan Jaamacada Birmingham.

Laakiin markii ugu horaysay, nuqulka digitalka ee Quraanka ayaa laga qaaday Britain oo dadka lagu tusayaa munaasabado lagu qabanayo Isutaga Imaaraadka Carabta.

Arrintan ayaa ka mid ahaan doonta wadashaqayn iyo horumarin xiriirka dhaqanka iyo dhaqaalaha ee ka
dhaxeeya Britain iyo UAE, ee dhinacyada waxbarashada, sayniska, isboortiga iyo farshaxanka.

Waxay kaloo tahay soo noqosho muhiim ah, ee nuqulka Quraanka, oo lagu sameeyay Bariga Dhexe sanadihii ugu horeeyay diinta Islaamka.

Quraanka ayaa waxaa helay 1920 meeyadii Alphonse Mingana, oo ahaa Assyrian, oo la oran jiray dhulka Ciraaq. Safaradiisa uu wax ku soo aruuriyay ee uu ku tagay Bariga Dhexe ayaa waxaa maalgaliyay reerka Cadbury.

Gudoomiye ku xigeenka jaamacada, Sir David Eastwood, ayaa sheegay in Quraanka laga helay jaamacada Birmingham uu muhiim u yahay “taariikhda Muslimiinta iyo waxbarashada cilmiga Islaamka”.

Laakiin wuxuu dhahay waxaa jiri kara waxyaabo kale oo aan la ogayn ee ku jira waxyaabihii uu soo aruuriyay Mingana ee jaamacada yaala, taasoo ah waxa ugu badan ee la soo aruuriyay ee noocan ah ee Yurub yaala.

Jamal bin Huwaireb, oo ah agaasimaha Mohammed Bin Rashid Al Maktoum Foundation, oo ah urur waxbarasho oo uu aasaasay hogaamiyaha Dubai, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in baalasha Quraanka ee laga helay Birmingham uu ka yimid Quraan uu dalbay in la qoro Abu Bakir Al Siddiq, oo ahaa khaliifkii ugu horeeyay Nabi Maxamed kadib, oo is casilay inta u dhaxaysay 632 iyo 634.

“Waan baaray qoraalkan. Fikradayda waxay tahay, baalashan Quraanka waxaa lagu qoray wax gaar ah waxaana loo sameeyay qof muhiim ah sida khaliifka.

“Waxaa gaar ahaan muhiim ah qoraalka Quraanka ee waqtigaas la qoray ayaa la mid ah qoraalka Quraanka ay Muslimiinta ay hadda aqristaan” ayuu sheegay Mr bin Huwaireb
Xigasho BBCSOMALI

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook