opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Cabdi waal iyo Sheekh Axmed Shaakir oo Dagaal Siyaasadeedkii ugu Adkaa soo kala dhex galay” +Cod

skjermbilde
FacebookTwitterGoogle+Share

Xili Ciidamada Maamulka Ahlusuna waljamaaca ee Gobolada dhexe ay la wareegeen Gurigii uu magaalada Guriceel ka daganaa Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad oo ay kala bexeen Hub Culus ayaa Maamulka Ahlusuna waxa uu Wajahayaa Dagaal Siyaasadeed Adag oo ka imaanaya dhinaca Siyaasiga la weeraray Gurigiisa oo laga Qaatay Hub Culus iyo Gaadiid uu laghaa Siyaasiga,

Sheekh Cabdulaahi Warsame Faarax oo ahaa Gudoomiye ku xigeenkii dhinaca Arimaha Bulshada ee maamulka Degmada Guriceel ayaa sheegay in Siyaasiga Gurigiisa Xoog lagu Galay isaga oo mid mid u sheegay Hubka iyo Qalabkii kale ee lagala Baxay Gurigaasi,

waxa uu shaaciyay inuu dhawaanahanba soo Baxayay Qilaafka Siyaasadeed ee Madaxda Ahlusuna iyo Cabdi Nuure Siyaad kaasi oo ka dhashay Abaabulka Ciidan e Siyaasigu ka Bilaabay Duleedka Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan,

Xero Ciidan oo ku taala Duleedka Degmada Guriceel ayaa waxaa la sheegay inuu Cabdi Nuure ku Abaabulayay maleeshiyaad laga kala keenay Guriceel iyo Matabaan kuwaasi oo si Hoose loogu hubeynayay Xeradaasi waxaana arintaasi Ogaaday Sheekh Axmed Shaakir oo Diiday inay hubka Gacanta ku dhigaan Ciidamo ka Madaxbanaan Maamulkiisa.

 

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook