opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Cabdiweli Gaas Oo Ka Hadlay Heshiiskii Uu La Galay Nadaxwayne Guuleed iyo Xaalada Qandala. +Cod

FacebookTwitterGoogle+Share

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay heshiiska uu la galay Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee la Xiriiray dagaalka Gaalkacyo.

C/wali gaas ayaa sheegay in shirka Dubai looga hadlayay arrimo ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya iyo geeddi socodka Nabada, isagoo xusay in intii uu shirkaas socday ay isku arkeen isaga iyo Madaxweynaha Galmudug, ayna ka wada hadleen colaadii Gaalkacyo, isla markaana heshiis looga gaaray.

“Dabcan halkaas waxaa ka jiray shir ay isugu yimaadeen madaxda dowlad goboleedyada Somaaliya, oo looga arrinsanayay waxayaabo badan oo quseeyo mustaqbalka Soomaaliya iyo geeddi socodka nabada Soomaaliyeed, dabcan hadii meel la isugu taga wax badan oo kalaa ka dhasha isu tagii aan meeshaas tagnay fursad kala isku aragnay ayay aheyd Madaxweynaha Galmudug iyo madaxda kale, wixii taagnaa ee shidada Gaalkacyo ayaa ka hadalnay, waa aragteen war murtiyeedkii Abuu Dhabi, waxaa lagu heshiiyo in xabad joojin la sameeyo”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale ka hadlay duulaanka lagu soo qaaday magaalada Qandala ee gobalka Bari iyo duqeymaha weli ka soconayo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook