opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Cadaado oo laga Dhagax-dhigay Meel ay ku shaqeeyaan Maxkamadaha & Xeer ilaalinta +Sawirro

1
FacebookTwitterGoogle+Share

Xaruntan oo noqondoonta meel ay ku shaqeeyaan maxkamadaha iyo xeer ilaalinta dadka maxkamaduhu xukumaana lagu hayndoono ayaa laga hirgalinayaa galbeedka magaalada Cadaado, waxaana maanta si wada jir ah u dhagax dhigay madaxwayne ku xigeenka Dawlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi,Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac .

Gudoomiyaha Degmada Cadaado C/llahi C/raxmaan Tootoole oo meesha ka hadlay ayaa sheegay in Maamulka Degmadu ku deeqay dhulkan oo Hal kiilo Mitir oo isku weer ah.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in hirgalinta Dhismahan ka dib ay noqon doonto meel maxaabiistu cadaalad iyo daryeel ku helaan.

“Xabsiyada Soomaaliya waxaan doonaynayaa inaysan noqon baqaaro dadka lagu ciqaabo, balse meeshan waxaan u diyaarinaynaa in maxaabiistu daryeel iyo waxbarashaba ka helaan oo warshado yar yar ayaa laga hirgalinayaa” ayuu yiri Bashiir Goobbe.

Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in meeshan xabsi kaliya aysan noqon doonin balse xafiisyo xeer ilaalintu leedahay laga hirgalindoono, si ay u noqoto meel adeegyo dhamaystiran leh.

Madaxwayne ku xigeenka Dawlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in tani ay tahay waxqabad muuqdo oo iskaashi dhinacyo badan ah ku hirgalay.

1 2 34 5 67 8 999 999

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook