opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Ciidamada dowlada Ciraaq oo qabsaday xarunta Telefishinka Mosul

FacebookTwitterGoogle+Share

Ciidamada Ciraaq ayaa la sheegay iney gudaha u galeen magaalada Mosul oo ay gacanta ku hayaan Kooxda Daacish, iyagoo qabsaday xarunta telefishinka magaaladaas.

Arintan ayaa ka dambeysay ka dib markii ciidamada Ciraaq ay daafaha magaalada Mosul dagaal culus kula galeen dagaalyahanada Daacish.

Waxay ciidamadan isku deyayaan inay markii ugu horeysay galaan magaalada, tan iyo markii ururka la baxay Khilaafada Islaamka uu qabsaday, in ka badan laba sano ka hor.

Dagaalo aad u xoog badnaa ayaa shalay illaa xalay oo dhan ka socday xaafadaha hareeraha magaalada Mosul.

Ciidamada xulafada ah ee ku sii durkaya magaalada waxaa lagu weeraray madaafiic, hub culus iyo qoryaha darandooriga u dhaca, iyadoo Dagaalyahanada toogashada ku xeelka dheer ee Daacish ayaa halis geliyeen ciidamo ku sugnaa cirifka magaalada.

Qaramada Midoobey ayaa sheegeysa in kooxda Daacish ay shacabka isugu geyneyso goobaha istaraatiijiga ah ee Mowsil.

Ururka la baxay Khilaafada Islaamka ayaa 25 kun oo qof oo shacab ah u adeegsanaya sida difaac ama gabaad oo kale sida uu sheegay Ravina Shadasani oo ah afhayeenka arrimaha Xuquuqda aadanaha ee UN.







Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook