opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Ciidamada Dowlada oo ku guuleystay inay soo qabtaan Nin dadka ku dhici jiray Alwaax +Cod

img_3103
FacebookTwitterGoogle+Share

Wararka ka imaanaya Degaanka Garasbaaleey ee Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay Ciidamada Dowladda Howlgal baaritaan ah ka fuliyen dhowr xaafadood oo la sheegay inay ku sugnaayeen Rag hubeysan.

Ragan hubeysan ayaa lagu eedeeyay in ay falal Amni daro ka geysteen Magaalada Muqdisho waa sida ay sheegeen Saraakiisha Sirdoonka Dowlada Somaliya.

Gudoomiye ku xigeenka Deegaankaasi Cali Xasan Cali ayaa shegay in Ciidamada Dowladda ay heleen Xogta Ragan hubeysan oo la Ogaaday inay ku dhibaateyaan shacabka Xaafadaha Degaankaasi.

Ciidamada Dowlada ayaa iyagoo ka duulaya Dhibaatada Loogeysanayo Shacabka waxaa ay sameyeen Howlgalkaasi oo tiro dableey hubeysan ah lagu soo qabqabtay.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay Gudoomiye Ku Xigeenka in ay soo qabteen Ruux Dhalinyaro ah kaasi oo qaab xeeladeysan Al-waax loo ekeysiiyay AK47- dadka ku dhici jiray.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook