opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Cismaan Axmed Macow oo noqday Xubintii ugu horeysay aqalka sare ee Hirshabelle

4
FacebookTwitterGoogle+Share

Doorashada xubnaha aqalka sare ku metelaya maamulka Hirshabelle ayaa goor dhow ka bilaabatay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

Musharaxiinta aqalka sare ayaa shalay Baarlamanka maamulka Hirshabelle ka jeediyey khudbadahooda ku aadan waxqabadkooda iyadoo doorashada ay dhorr maaalin dib u dhacday.

Kursiga Koowaad waxaa ku tartamay maanta Cismaan Axmed Macow oo ku guuleystay 73 cod iyo Cabdi Nuur Farey oo helay 24 cod, waxaana halaabay hal cod sida uu sheegay guddiga doorashooyinka dadban ee Hirshabelle.

Musharaxiin 23 gaaraya ayaa u taagan 8-da kursi ee Maamulka Hirshabeelle kaga soo aaday Aqalka sare, waxaana kursi walba ku tartamaya labo illaa afar musharax.

Waxaa hadda socota doorashada xigta ee xubnaha aqalka sare ee Hirshabelle oo ay ku tartamayaan Prof. Cismaan Maxamuud (Dufle) iyo Jaamac Xuseen Xaashi, wixii warar ee ka soo kordha kala soco boggan insha ALLAAH.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook