opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Ciyaaryahan Farsamo Cajiib ah oon horey loo arag sameeyay oo Ciqaab ku muteestay +Video

FacebookTwitterGoogle+Share

Ciyaaryahan lagu magacaabo Sipho Moeti ,oo u ciyaara Kooxda Baroka ee dalka Koonfur Afrika ayaa sameeyay farsamo cagwareejis cajiib ah oo nuuceeda horey loo arag, hasa ahaatee farsamadaasi ayuu ciyaaryahanka ku muteestay in loo ciqaabo oo la siiyo calaamada digniinta ama jaalaha.

Laacibkan ka ciyaara Horyaalka dalka Koonfur Afrika ayaa kubada cag wareejis ku sameeyay jilibkiisa , waxaana taasi keentay in garsoorihii ciyaarta uu joojiyo kuna abaalmariyo ciyaaryahnkaasi in uu siiyo calaamada digniinta taas oo dad badan ka yaabisay.

Dadka qaarkood ayaa farsamada cajiibka ah uu sameeyay ciyaaryahankaasi ku tilmaamay mid uu ku bahdilayay ciyaartoyda kale ee kasoo horjeeday ee kooxda Platinum Stars, waxaana ciyaartan sadex gool ku badisay kooxda Baroka uu katirsanaa ciyaaryahankan farsadamada cusub la yimid.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook