opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Cumar C/rashiid & safiirka Maraykanka oo wada kulmay +sawirro

FacebookTwitterGoogle+Share

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa shalay kulan xasaasi la qaatay safiirka dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz.

Kulankan oo ka dhacay Garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa raisul wasaaraha ku wehliyey wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Shiikh Cali (Diini) iyo Abaandhuullaha ciidanka xoogga dalka ayaa qodobada looga hadlay waxaa ka mid ah doorashooyinka dalka ka socda, amniga Guud iyo arrimo kale.

Stephen Schwartz ayaa sheegay in Maraykanku ka go’antahay in dowladda Soomaaliya gacan ka siiso hirgalinta doorashooyinka iyo adkaynta xariirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Maraykanka, wuxuuna dhinaca kale muujiyey walaaca dowladiisu ka qabto qaabka aan wanaagsaneyn ee ay ku socdaan doorashoyinka aqalka hoose ee dalka ka socda.

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa dowladda Maraykanka uga mahad celiyey taageeradda ay Soomaaliya la garab tagan tahay.

Sidoo kale Ra’isul Wasaaraha kulan la qaatay ku-xigeenka safiirka dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya, waxayna kaga wada hadleen kulankaa arrimo badan oo khuseeya danaha labada wadan.

QM, Maraykanka iyo guud ahaan beesha caalamka ayaa walaac ka muujiyey musuqmaasuq iyo dhibaatooyin kale oo hareeyey doorashooyinka aqalka hoose ee baarlamanka Somalia.




Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook