opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Daacish & Al-qaacida oo Soo Dhaweeyay Guusha Trump

FacebookTwitterGoogle+Share

Warar siyaabooyin kala duwan ay maanta u soo saareen kooxaha daacish iyo Al-qaacida ayaa waxa ay arin guul ku tilmaameen in mareykanka uu xukumo Donald Trump.

War ka soo baxay kooxda daacish ayaa waxa lagu baahiyay in guusha Donald Trump ay bur bur u horseedi doonto dalweynaha mareykanka.

Sarkaal u hadlay kooxda ISIS ayaa madaxweynaha cusub ee wadanka mareykanka Donald Trump Ku tilmaamay dameer xil loo dhiibay.

waxa uu sidoo kale sarkaalkan sheegay in Donald Trump uu gacantiisa ku burburidoono wadanka mareykanka arintana ay u sahleyso ISIS in mareykanka ay awood ku yeelato.

Daacish ayaa waxa ay sheegtay in mareykanka haatan uu badan doono cadowgiisa islamarkaana sababta ay soo dhaweynayaan Donald Trump.

Dhinaca kale war ay soo saareen kooxda Al-qaacida ayaa sheegtay in Donald Trump uu kooxaha jihaadiiistyaasha u sahlayo in hal codow ay yeesheen cadowgaasna uu isaga yahay.

Kooxda Al-qaacida ayaa waxa ay sheegtay in madaxweynaha cusub ee wadanka mareykanka uu sahlidoono in dad badan ay ku soo biiraan dhankooda.

Abu Muhammad al-Maqdisi oo kamid ah hogaamiyayaasha ururka al qaacida ayaa yiri Donald Trump waa “dameer” kuwa oo ka digay in doorashadiisa “ay calaamad u tahay dhammaadka wakhtiga boqortooyadii Maraykanka”. Sida waxaa qoray Washington Post.

Kooxda daacish ayaa ka dagaalanta meelo badan oo dunida kamid ah waxana fadhigeeda ugu weyn uu yahay wadamada siiriya iyo ciraaq.

 

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN OO DHAMAYSTIRAN

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook