opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Dagaal ka dhacay degmada Qandalla oo ay gacanta ku hayaan Daacish

qandala1
FacebookTwitterGoogle+Share

Dagaal muddo kooban socday ayaa la sheegay inuu xalay ka dhacay degmada Qandalla ee gobolka Bari oo qiyaastii 75km bari kaga toosan magaalada Boosaaso.

Ciidamo ka tirsan kuwa badda Puntland oo ku sugan xeebaha degmadaas ayaa la sheegay xalay iney rasaas ku rideen dagaalyahano ka tirsan kooxda Daacish oo dhowaan qabsaday welina ku sugan degmada Qandalla.

Dagaalyahanada halkaas ku sugan ayaa lagu soo waramayaa iney iyana ku jawaabeen rasaas kale oo ay u rideen dhinaca badda.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha ka dashay dagaalkan inta uu gaarsiisan yahay, hasa yeeshee xaaladda ayaa saaka deggan sida wararku ay sheegayaan.

Shacabkii ku noolaa degmada Qandalla ayaa horey uga barakacay degaankaas ka dib markii ay dhowaan la wareegeen dagaalyahano hubeysan oo Daacish taabacsan.

Ciidamada Puntland oo dhinaca xeebta iyo hareeraha degmadaas ku sugan ayaa isku diyaarinaya iney guluf dagaal ku qaadaan Qandalla si ay uga saaraan kooxda qabsatay oo wararku sheegayaan in 50 dagaalyahan aysan tiradoodu ka badneyn.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook