opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Dagaal u dhaxeeya Galmudug iyo Puntland oo dib uga qarxay Gaalkacyo

2
FacebookTwitterGoogle+Share

Wararka ka imaanaya Gaalkacyo ayaa waxay sheegayaan inuu aad usii xooggeystay dagaalka ka socda magaaladaasi, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada Galmudug iyo kuwa Puntland.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Labada dhinac isku  adeegsanayaan hub aad u culus, waxaana dhanka Puntland la sheegayaa iney u gurmadeen ciidamo dheeraad ah.

Madaafiicda ayaa sidii roobka oo kale waxay ugu soo daadaneysaa xaafadaha Gaalkacyo, waxaana la ogeyn weli khasaaraha ka dhashay dagaalkan, maadaama uu socdo.

Dagaalka ayaa u muuqda mid maanta yeeshay wejiyo cusub oo ka duwan kuwii hore, waxaana xaaladdu u muuqataa mid aad uga daran maalmihii lasoo dhaafay.

Sii socoshada dagaalkan ayaa muujineysa in meesha uu ka baxay heshiiskii dhowaan ay Isku Tagga Imaaraatka carabta ku gaareen madaxda Labadan maamul.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook