opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Dagaalkii ugu cuslaa oo Gaalkacyo ka socda,Dhaawacyada oo isbitaalada lagu daabulayo

FacebookTwitterGoogle+Share

Dagaalo ayaa saaka mar kale ka qarxay galbeedka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo mudooyinkan ay ku dagaalamayeen ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Tacshiirad culus iyo qaraxyo waaweyn ayaa laga maqlay goor dhow galbeedka magaalada oo ay isku hor fadhiyeen ciidamada iska horjeeda ee labada maamul.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiic la isweydaarsaday mar hore ka dibna dagaalkii uu si toos ah u bilowday.

Waxaa dagaalkan uu ku soo aadaya xili shalay madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ay mar kale isla gaareen xabad joojin ka dib markii wakiilka QM ee Somalia oo booqday magaalada Boosaaso uu telefan ku wada hadalsiiyey Gaas iyo Guuleed, iyagoo ku balamay iney Jimcaha isugu tagaan Gaalkacyo.

Waxaa maalintii doraad burburtay xabad joojin kale oo labada Madaxweyne ay ku gaareen dalka Imaaraatka Carabta oo ay ku kulmeen ka dib markii dagaal khasaare ba’an geystay uu ka dhacay Gaalkacyo.

Labada maamul ayaa u muuqda kuwo aan daacad ka aheyn joojinta dagaalkan, waxayna caado ka dhigteen in midba midka kale uu ku eedeeyo inuu dagaalka bilaabay, xabad joojintana jebiyey, taasoo aan xal u noqoneyn dhibaatada ka taagan magaalada Gaalkacyo.

Labada maamul ayaan weli ka hadlin dagaalka saaka ka soo cusboonaaday Gaalkacyo oo illaa hadda an la ogeyn khasaaraha nafeed ee kaa dhashay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook