opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Dawladda Ethiopia oo dhex dhexaadinaysa Somaliland iyo Khaatumo

FacebookTwitterGoogle+Share

Magaalada Adis Ababa ee xarunta Midowga Afrika ah, ahna casimada Ethiopia ayaa waxa maanta ka dhacay kulan labada maamul ee Khaatumo STate of Somalia iyo maamulka Somaliland, kaasoo ay dhexfadhiday dawladda Ethiopia gaar ahaan wasaarada arimaaha dibadda.

Warbaahinmta oo la xiriirtay masuuliyiin labada dhinac ah oo shirarrakaan ka qaybgalay ayaa xaqiijiyay in lagu heshiiyey qodobabada soo socda.

1- In labada maamul u wada hadlayaan si siman/Laba maamul oo buuxa

2- Inay isku afgarteen inay wada hadlaan

3- In wada hadaladu ka dhacaan dalka Ethiopia oo dawladda dalkaasi ay fududeen doonto

4- In wada hadalad u horeeyaa ay dhacaan 17ka bishan November ee aynu ku jirno.

Dawladda Ethiopia ayaa sheegtay inay si buuxda u dhex dhexaadin doonto labada dhinac, isla markaana waxay soo sheegi doonaan in wada hadalada danbe ku qabsoomi doonaan Adis Ababa ama magaalo kale oo dalka Ethiopia ah.

Madaxda Khaatumo ee Adis Ababa ayaa xaqiijiyey in dhawaan ay ku noqon doonaan gudaha dalka isla markaana laga soo xaajoon doono sidii wada hadalada loogu diyar garoobi lahaa, waxana heshiiska hada uu yahay oo keliya in la isku afgartay in la wada hadlo iyo qaabkii loo wada hadli lahaa oo noqday laba maamul oo isku mid ah.

Waxa ay arinta u muuqataa in Dowlada Ethiopia ay uGu garbineyso maamulka Khaatumo oo mudo dagaal kula jira Somaliland iyo Puntland kadib markii maamulkaasi deegaanada uu sheegto ay isku heystaan P/land & S/land.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook