opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Dhaqtaradii Hore Ee Kooxda Chelsea Eva Carneiro Oo Dil Iyo Kufsi Loogu Hanjabay

FacebookTwitterGoogle+Share

Dhaqtaradii hore ee kooxda Chelsea Eva Carneiro ayaa loo soo diray fariin loogu hanjabaayo dil xilli ay ku guda jirtay Bisha Malabka.

Sidoo kale hanjabaada qeyb ka ahaa in weerar Kufsi ah lagu qaadi doono, waxaase la aaminsan yahay in uu ku lug leeyahay murankii ay kooxda Premier League kaga soo tagtay.

Eva ayaa soo qortay “kuwa in aflagaadeeyay waxay umuuqdeen kuwa aan lahayn waji, waxay awoodeen in ay sharciga ka jawaabaan, waxay igu hanjabeen in ay I dili doonaan, sidoo kale ay ii galmoon doonaan, ma aqaano sababta,” ayeey kusoo qortay barteeda Twitter ka.

Eva Carneiro iyo Jose Mourinho ayaa isku dhacay August 2015, kadib markii ay waqtiga ku lumisay Eden Hazard oo dhaawac ahaa intii ay socotay kulankii Swansea City ka adkaatay Blues xilli ciyaaareedkii lasoo dhaafay.

Murankaas ay la gashay macalinkii laga ceyriyay Stamfor Bridge ayaa keenay in ay Eva ka tagto kooxda ka dhisan Wuqooyiga magaalada London, taas oo ay ka xumaadeen qaar kamid ah xiddigaha kooxda Chelsea.

Gabadhan asal ahaan kasoo jeeda Jaziirada Gibraltar islamarkaana heysata dhalashada dalka England ayaa soo bandhigtay arooskeeda cusub November tii lasoo dhaafay, iyadoona guursatay ninka lagu magacaabo Jason De Carteret.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook