opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Dibadbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo Donald Trump oo ka socda dalka Mareykanka+ SAWIRRO

usflagburning
FacebookTwitterGoogle+Share

Bannaanbaxyo ka dhanka ah guusha uu Donald Trump ka gaaray jegada madaxtinimada ee dalka Mareykanka, ayaa ka soconaya qaar ka mid ah magaalooyinka waawayn ee dalkaasi.

Bannaanbaxyadan oo ay hogaaminayan dhalinyaro arday u badan, ayaa gelinkii dambe ee shalay ka bilowday magaalooyinka New York, Washington, Boston, Chicago, Berkeley, Pittsburgh, Portland, Austin iyo Nashville.

Bannaanbaxayaasha, ayaa waxay ka careysan yihiin hadaladii uu Donald Trump jeediyay, intii uu ololaha ugu jiray Xafiiska Aqalka Cad ee Mareykanka.

Kumanaan qof oo wata boorar ay ku qoran yihiin hal kudhigyo ka dhan ah Donald Trump, ayaa waxay dhooban yihiin afaafka hore hoyga uu ka degan yahay Magaalada New York ee Trump Tower.

Bannaanbaxayaasha, ayaa sidoo kale ku qaylinaya ereyo ay ka mid yihiin “Donald Trump maaha Madaxweynaheyga, maaha in dadku cabsi ku noollaadan iyo jooji naceybka.”

Trump, ayaa intii uu waday ololihiisii wuxuu fagaare-yaal ka sheegay in uu xadidi doono Muslimiinta imaaneysa Mareykanka, isla-markaana uu joojinayo qulqulka muhaajiriinta, iyadoona la xusuusto in weeraro afka ah uu ku qaaday qaar ka mid ah bulshada kala duwan ee dalkaasi ku nool.

trumpdibadbax1 trumpdibadbax4 trumpdibadbax5 trumpdibadbax6 trumpdibadbax7 trumpdibadbax8 trumpdibadbaxweyn1-768x515 usflagburning

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook