opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Dilal Qorsheeysan oo Xalay kadhacay Magaalada Hargeysa Ee Xarunta Maamulka Somaliand +VIDEO

FacebookTwitterGoogle+Share

Laba qof ayaa xalay siyaabo kala duwan loogu dilay magaaladda Hargeysa, halka laba qof oo kalena laba booyadood ku dileen isla magaaladda.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle, ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in afar qof siyaabo kala duwan ugu dhinteen magaaladda Hargeysa.

Afartan qof ayaa laba qof shil gaadhi ku geeriyooday, halka laba kalena gacmo ka xaq daranne dileen ka dib markii nin afka duubtay uu nin Farsami haysta uu toogtay, halka ka kalene ahaa askari qoriga ku waabinayey rag watay gaadhi iska rogo ah ay xabaddi kaga fakatay oo mid ka mid ah ragii iska rogadda saarnaa ku geeriyooday.

Taliye ku xigeenka Booliska Fooxle oo ka hadlaya sida wax u dhaceen iyo dadkan siyaabaha kala duwan ee loo toogtay, waxa uu yidhi “Laba shil oo ka dhacay bariga magaaladda Hargeysa ayaa sababay dhimashadda laba qof, mid wuxuu ahaa booyad iyo Vitz isku dhacay hal qof ayaa ku dhintay, laba kalena way ku dhaawacmeen, shilka labaad wuxuu ahaa Booyad iyo Zukusuki, hal qof ayaa ku dhintay, afar kalena way ku dhaawacmeen, intii dhaawacantay waxa la dhigay cisbitaalka Hargeysa, kuwii gaadhiga waday waxay ku xidhan yihiin saldhiga ciidanka wadooyinka”.

Taliye ku xigeenka oo ka hadlayey laba qof ee xabadda lagu dilayna waxa uu yidhi “ Waxa kale oo jirta bacdo makhribkii nin madaxa duubtay intuu nin farsami haysta ugu gallay isagoo Baastoolad sita uu toogtay , ninkaasi la toogtayna markii cisbitaalka la geeyey uu geeriyooday, waxaana loo hayaa hal qof, waxaana jirtay in ninkaasi geeriyooday inta aan la dilin uu soo dacwooday oo uu sheegay haddii dhibi soo gaadhay inuu masuul ka noqon doono qofkuu ka soo dacwooday, waana la baadhayaa baadhistiina way socota, waxa kale oo jira dil labaad oo ah Nin askari oo ka yimid Xeebta ayaa gaadhigii uu la socday gaadhi isku gudbay intuu u tagay ayuu ku waabiyey oo ay xabaddi kaga dhacday ninkii rag watay gaadhi isku rogga ah oo kuwo camuudda qaada ah, askarigii dilka geystayna waa la hayaaa baadhitaankiisa wuu socdaa”

Laba dil ee xalay ka dhacay magaaladda Hargeysa ayaa noqonaya kuwo ku cusub oo aan hore loo arag, iyadoo aanay hore u dhicin nin wakhti fiid ah inta uu baastoolad soo qaato uu qof meheradiisii haysta iska toogto ka dibna uu iska cararo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook