opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Diyaarad Soomaali badan la socotay oo shil ku gashay Jomo Kenyatta

shil-diyaarad
FacebookTwitterGoogle+Share

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya ayaa sheegaya in shalay diyaarad ka duushay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho shil ku gashay Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta.

Diyaarada ayaa la sheegay in cilad ku timid markii ay ka dageysay garoonka Jomo Kenyatta, waxaana la sheegay in diyaarada markii garoonka cago dhigatay ay u bixi wayeen lugaha ayna shil ku gashay wadada ay Diyaaradaha ku ordaan.

Shilkan Diyaaradeed ayaa la sheegay in wax qasaaro ah uusan kasoo gaarin dadkii saarnaa diyaaradaasi, waxaana shilkan uu sababay in mudo kooban hakad galaan howlihii duulimaad ee garooka Joma Kenyatta ,iyadoona diyaarado halkaasi kusoo degi lahaa loo weeciyay garoonka Mombasa.

Wali lama cadeyn diyaaradan shilka gashay cida iska laheed iyo waliba dadkii saarnaa waxa ay ahaayeen, waxaana diyaaradaasi la sheegay in cilad farsamo ay lasoo daristay xili ay cago dhiganeysay Garoonka Jomo Kenyatta.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook