opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Donald Trump oo ku dhawaaqay hadal ka nixiyey dad badan oo ku nool Maraykanka

donald-trump-pointing
FacebookTwitterGoogle+Share

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in muhaajiriin tiradoodu dhexeyso labo ilaa saddex milyan, oo sharci darro ku jooga Maraykanka uu tarxiili doono.

Trump ayaa sheegay inuu si gaar ah uu u beegsan doono kuwa dembiyada galay, kooxaha burcadka ah iyo kuwa daroogada ka ganacsada ee ka mid ah dadka sharci darada ku jooga Maraykanka.

Waxa uu intaa ku daray in masiirka sideeda milyan ee dheeraadka ah ee sharci darrada ku jooga Maraykanka, go’aan laga gaari doono marka la adkeeyo ammaanka xuduudaha dalkaasi.

Donald Trump ayaa sheegay in qeyb ka mid ah derbiga uu ballanqaaday uu ka dhisi doono soohdinta uu dalkiisa la wadaago Mexico, uuna noqon doono silig.

Madaxweynaha cusub ee Maraykanka ayaa dhinaca kale sheegay in mudada uu xilka madaxweynaha hayo uusan qaadan doonin wax mushahar ah, balse kama hadlin in mushaharkiisa oo gaaraya $400.000 uu meel kale u weecin doono iyo inuu dowlada Maraykanka u dhaafayo.

HALKAN KA AQRI SHEKADAN

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook