opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Donald Trump oo lagala cararay goob uu ka Khudbeynayey+ SAWIRRO

FacebookTwitterGoogle+Share

Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga dalka Mareykanka Donald Trump ayaa lala cararay, kadib markii meel uu ka Khudbeynaayay oo taageerayaashiisa kula hadlaayay Ilaaladiisa ay ka shakiyeen nin meesha joogay.

Trump, ayaa dadweyne fara badan kula hadlaayay Magaalada Reno ee dalka Mareykanka, balse mar kaliya ayaa askartii ilaaladiisa aheyd ay ku soo yaaceen, kadib markii ay ka shakiyeen nin meesha joogay.

Donald Trump oo ilaaladiisa mar kaliya ay ku soo yaaceen ayaa la arkaayay oo ay ka saareen hoolkii uu ka khudbeynaayay, taasi oo keentay in sawaxan iyo Buuq hoolka uu ka biloowdo.

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay nin 33 sano jir ah, kaasi oo markii hore looga shakisanaa inuu sitay qori, balse wax hub ah aanan wadan.

Ninkaasi ayaa waxaa xiray ciidamada Booliska ee sida gaarka ah u tababaran, waxayna u kaxeeyeen Xarumaha Baarista.

Doorashada Madaxtinimada dalka Mareykanka ayaa waxaa ka hartay labo cisho oo kaliya, waxaana socda ololihii ugu dambeeyay ee Doorashada.

donald-trump-7donald-trump-6donald-trump-5donald-trump-4donald-trump-3donald-trump-2donald-trump-1donald-trump

 

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook